torsdag 4 november 2021

 2011-11-04

Warbixin loogu talagalay waalidiinta ilmahooda lagu xannaanadeeyo dugsiyada xannaanadda ee Malmö

Qodobo cusub oo xiriir la leh jirrada ayaa dugsiga xannaanadda ka hirgaleen

 

Laga bilaabo 1 nofeembar waxaa hirgalay nidaamyada Hay'adda arrimaha caafimaadka dadwaynaha [Folkhälsomyndigheten], kuwaasoo qaarkooda ay cusub yihiin, oo ku saabsan markii ilmaha iyo dadka waawayn ee dugsiga xannaanadda ku sugan xannuunsadaan. Qofka adigoo kale ah oo ubadkiisa lagu xannaanadeeyo dugsiyada xannaanadda ee Malmö, waxaa ku khuseeyo qodobadaan:

·       Ilmaha iyo dadka waawayn oo caafimaadka qaba way tegi karaan dugsiga xannaanadda. Sidii looga hortago faafinta cudurka [Covid-19] dartiisa iyo cudurrada kaleba waa in qofka xannuunsan waa in u gurigiisa iska joogo.

·       Ilmaha waxay goobaha xannaanadda ku sugnaan karaan haddii caafimaadkooda u wanaagsan yahay, oona kari karaan in ay ka qaybgalaan dhaqdhaqaaq maalmeedyada caadiga ah. Bugga warbixinta ee Maamulka Gobolka Skåne När ditt barn blir sjukt ayaa la kaashan karaa qiimaynta haddii ilmaha u caafimaad qabo oona kari karo in u goobaha xannaanadda ku sugnaado.

·       Kaddib markii cunugga u muddo u jirro ku qorna, wuxuu goobaha xannaanadda ku soo laaban karaa haddii caafimaadkiisa u wanaagsan yahay, oona ka qaybgeli karo dhaqdhaqaaq-maalmeedyada. Ka feker in ku sugnaanshada maalinlaha ee goobta xannaanadda aanan la badbardhigi karin tan guriga.

·       Haddii ilmaha ay la dhiban yihiin calaamadaha cudurka sida infeekshanka mariinada neefsashada (tusaale, dhuun-xannuun, qandho, qufac iyo dareenka caafimaad-darrada) waa in u gurigiisa iska joogo ilaa u calaamadaha ka bogsado, oon ugu yaraan hal maalin ahaa qandho la`aan. Markaas kaddib ayuu cunugga dugsiga xannaanadda ku soo laaban karaa, xitaa haddii u weli dareemaayo caalamado fudfudud sida qufac ama hargab.

La soco waxyaalaha dugsiga xannaanadda ubadkaaga ka hirgaleen

Sidii hoos loogu dhigo heerka faafinta cudurka, waxaa dugsiyada xannaanadda ee Dowladda hoose Malmö maamusho, u degsan hab-daqan joogto oo xaaladda dugsiga loola qabsiiyay. Hab-dhaqanka joogtada ah ee u degsan dugsiyada xannaanadda way kala duwan yihiin, laakin waxay ku saabsan yihiin sidii ciriiriga markii ilmaha goobta la keeno ama laga kaxaynayo loogu hortegi lahaa, iyo maaraynta nadaafadda taxadarsan.

Maadaama aad tahay xilhaayeha xannaanadda/waalidka waa muhim inaad la socoto qodobada ka hirgaleen dugsiga xannaanadda ee ubadkaaga, taasoo suurtagelin doonto in wadajir aan cudurrada faafo ugu ilaalinno dugsiyada xannaanadda. Haddii aad arrin is-waydiinayso la xiriir shaqaalaha.

Warbixin dheeraad waxaad ka aqrisan kartaa barta internetka malmo.se/forskolacorona

 

Wadashaqaynta waad ku mahadsan tahay!

 

Maamulka dugsiyada xannaanadda, Dowladda hoose Malm